May 9, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Yuuusf Maxamed Siyaad Indhacadde oo kamid ahaa dadkii mudooyinkii dambe sida aadka uga soo horjeeday Dastuurka cusub ee dalka loo sameeyay ayaa sheegay in qodobadii ay ka muransanaayeen qaarkood wax laga badalay.

Yuusuf Indhacade isaga oo la hadlayay idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jireen qodobo badan oo dhaliyay dood adag oo ku jiray dastuurka iminkana wax ka badal lagu sameeyay qodobadaasi.

Wuxuu ka xusay qodobada la badalay oo uu sheegay Yuusuf Indhacadde qodobka qaangaadhnimada iyo sidoo kale qodobo kale oo uu sheegay wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed uu u sheegayo in qodobadaasi laga badalay Dastuurka cusub.

Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa sidoo kale sheegay in cidda ku baaqaysa banaanbaxa dastuurka loga soo horjeedo ay maran habaabinayaan shacabka Soomaaliyeed isaga oo sheegay in ay wanaagsanaan lahayd in ay horfariistaan madaxda dowladda islamarkaana ay sheegaan qodobada ay diidan yihiin.

Yuusuf Maxamed Siyaad indhacadde ayaa waxa uu kamid ahaa dadka sida weyn uga soo horjeeday Dastuurka cusub hada dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dhawaana lasoo xulayo ergadii ansixin lahayd.

COMMENTS