July 10, 2014 | Posted by admin

Yuusuf Garaad Cumar ayaa bogiisa gaar ah ku soo qoray fariin uu u dirayo dad si gaar ah isaga u dulminayey, dadkaasi oo iyaga dulman balse si qaldan u abaaray shaqsi aanan shaqo ku lahayn waxa ay tabanayaan waana taasi sababta uu Muwaadinkani ama aqoon yahankani uu u cadeynayo in uu ka madax banaan yahay waxa ka dhacaya gobolka Shabeellada Hoose oo la og yahay in ay dhibaato xoogan ka taagan tahay oo u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed qaarkood oo halkaasi Dega waxayna fariinta Yuusuf Garaad u qoran tahay sida tan. Wiilasha ka kulul arrimaha Shabeellada Hoose ka dhacaya, waxaan u sheegayaa in aan ka xumahay isdilka dadka Soomaaliyeed. Waxaan u sheegayaa aniga dan shakhsi ah oo gobolkaa iga taalla ineysan jirin. Guri iyo beer midna kuma lihi. Horena uguma yeelan.

Inkasta oo aan shaqo iyo dalxiis intaba u tegey degmooyinka gobolka oo dhan isu geyn in ka badan qiyaastii 100 jeer. Waxaanan oggoleyn marnabana raalli ka noqoneyn nin beer ama guri xoog ku haysta. Si taa le’eg ma oggoli nin ku duulaya beer ama guri nin kale leeyahay qabyaalad awgeed. Waxaan u sheegayaa in aanan oggoleyn in qof ban’aadam ah la dulmiyo.

Dadka Shabeellada Hoose iyo aniguba waxaan nahay ban’aadam in nala dulmiyana ma oggoli.

Haddii aad dulun tirsaneyso anigu kuma dulmin in lagu dulmiyana raalli kama ahi. Sida aanan u oggoleyn in lagu dulmiyo oo kale ayaanan adigana kuu oggolaaneyn in aad aniga i dulmiso. Marka haddii ay dhab tahay oo qof ku dulmisay ay jirto, ogow in aad doodda iska xumeyneyso haddii aad maagto aniga iyo dad ila mid ah oo aan ku dulmin. Midda kale waa in aad garataa in aad u baahan tahay wakhtigaaga in aad geliso sidii aad dulmiga si sharci ah isaga qaadi lahayd.

Taas oo mararka qaarkood aan sahlanayn. Laakiin wakhtigaaga iyo maskaxdaadu wey kala dhantaalmayaan haddii aad u qeybiso in aad dulmi iska dhciso iyo in aad adigu dad dulmisid. Dembina waa kuu dheer yahay. Marka saaxiib kala garo cadowgaaga iyo saaxiibkaa.

COMMENTS