October 18, 2016 | Posted by admin

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ee dowlada soomaaliya Yuusuf Axmed Hagar {Dabageed} ayaa soo dhaweeyay madaxa cusub ee loo doortay maamulka Cusub ee Hirshabeele.

Yuusf dabageed ayaa sheegay in ay tahay tilaab wanaagsan oo la qaaday mar hadii lagu guuleestay Doorshada Gudoomiyaha Baarlamaanka Madaxwaynaha Iyo ku xigeenkiisa.

Maamulka Hirshabeele waa Maamul dowlada soomaaliya ay ku guulaysatay dhisitaan kiisa hadii aan nahay maamulka Gobalka hiiraan waxaan soo dhaweeneenaa madaxdii lagu doortay Magaalada jowhar.

Gudoomiyaha gobalka hiiran ayaa horay uga soo hor jeestay shirka Maamul usameenta Hiiraan iyo shabeelaha dhaxe waxaana la ogeen sababta gudoomiyaha gobalka hiiraan uu usoo dhaweeyay maamulka ay horay uga biya diideen Maamulka gobalka hiiraan iyo sidoo kale beelaha dega Hiiraan.

Arintaan ayaa loo sababeeyay in madaxwaynaha Maamulka Hirshabeele uu ka yahay madaxwayne ay Beel yihiin Yuusuf dabageed.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS