July 7, 2015 | Posted by admin

Hogaamiyayaasha dalalka ku jira dallada Eurozone-ka, ayaa maanta kulan degdeg ah ku leh magaalada Brussels, si ay uga jawaabaan aftida uu dalka Giriiga ku diiday qorshihii kuwa deymaha ku leh.
Ra’iisul wasaaraha Giriiga, Alexis Tspiras, ayaa kulankaasi degdega ah soo hordhigi doona qorshe cusub oo wax looga qabanayo deymaha dalkiisa loo haysto.
150701194046_greece_crisis_speech_pm_512x288_getty_nocredit
Ka hor inta aanay dhicin aftida, hogaamiyayaasha Yurub ayaa Giriiga uga digayay in aftidaasi uu ku kala dooranayo kasii mid ahaanshaha dallada Euzone-ka iyo ka bixideeda.
In kasta oo dadka Giriiga ay MAYA u codeeyeen, ayaa haddana madaxda Faransiiska iyo Jarmalka waxa ay sheegeen in weli ay taagantahay fursada looga xaajoonayo deymaha Giriiga.
Kuwa deymaha ku leh Giriiga ayaa ka warsugaya qorshaha guntigiijiska ah ee ay soo bandhigi doonta xukuumadda Athens.
Waxaa laga dhursagayaa sida uu wadaxaajoodka u wajaho wasiirka cusub ee shalay loo magacaabay maaliyada Giriiga, Euclid Tsakalotos, kaasoo sheegay in uu ka walaacsan yahay halka uu xaalka marayo, balse dalkiisa uu mudan yahay si sidan dhaanta.
Waxaa jiro doona cadaadis ah in go’aan degdeg ah laga gaaro dhaqaalaha sii liicaya ee dalka Giriiga.

COMMENTS