March 12, 2012 | Posted by admin

Hay’adaha ammaanka ee dalka Yemen ayaa gacanta ku dhigay rag Soomaali ah oo looga shekiyey inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Ragaan oo ay tiradoodu 4- tahay ayaa laga qabtay gobolka Laxaj iyo Ebyan oo ah gobol ay kooxaha Al-qaacida xiriirka la lihi ku xoogan yihiin.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka Yemen ayaa sheegay in dadka la qabtay laga helay tilmaamo muujin kara inay xiriir dhow la leeyihiin Al-shabaab.

Waxaana xiligan ku socda baaritaan xoogan iyadoo su’aalo lagu weydiinayo gudaha xarunta denbi baarista ee gobolka Laxaj oo ay ku taal xerada qaxootiga badan ee Soomaalida ahi ku jiraan ee Al-qaras.

Dadkan Soomaalida ah ee looga shekiyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa da’doodu u dhexeysaa 25-32, waxayna dalka Yemen soo gaareen horaantii bishan aynu ku jirno ee March.

Arintan ayaa imaanaysa xilli dhowaan laamaha ammaanka ee dalka Yemen ay sheegeen in dagaalyahano Al-shabaab ka tirsan oo magaalada Kismaayo ka tegey ay dalka Yemen soo gaareen.

COMMENTS