March 25, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Yemen Cabdu-rabuu Mansuur Haadi ayaa ugu baaqay golaha ammaanka Qaramada Midoobey in uu ansixiyo tallaabo milatari oo ka dhan ah fallaagada shiicada ah ee Xuutiyiinta, kuwaasi oo ku khasbay in uu ka cararo magaalada caasimadda ah ee Sanca.
150324070358_the_houthis_512x288__nocredit
Waraaq uu u diray golahani ayuu madaxweyne Haadi, waxa uu ku codsaday qaraar ogolaanaya taageero deg deg ah oo Yemen ay isaga difaaceyso duulaanka Xuutiyiinta.
Madaxweyne Haadi ayaa kal hore jaamacadda Carabta iyo golaha iskaashiga Khaliijka ka codsaday taageero milatari.
Waxa uu isku dayayaa in uu magaalada koonfureed ee Cadan uu ka sameysto xarunta dowladdiisa balse dagaalyahanada Xuutiyiinta ayaa magaaladaasi ku sii dhawaanaya

COMMENTS