June 29, 2015 | Posted by admin

Warbaahinta dalka Yemen, ayaa baahisay in Maleeshiyada Xuutiyiinta ay bilaaben in dagaalka ay kula jiraan Sacuudiga ay u adeegsadaan wado cusub.

Warbaahintu waxa ay sheegtay in Qaabka cusub uu yahay mid ay ku qalqal galinayaan amaanka Sacuudiga, waxaana kamid ah dhowr wado oo ay kamid yihiin qaab ganacsi, xoolo dhaqato waxa ayna dariiqooyinkaasi ku kala gudbistaan fariimaha iyo hubka fudfudud.

Iyaga oo xiganaayo Saraakiil ka tirsan Xuutiyiinta ayaa waxa ay sheegen in gudaha Dalka Sacuudiga ay ku dhex leeyihiin adeegayaal, waxa ayna Saraakiisho intaa kusii dareen in Magaalada Jida ay ku dhex leeyihiin Xerooyin ciidan oo qarsoodi ah.

Xerooyinka qarsoodiga ah ayuu sheegay inay ka fuliyaan adeegyada qarsoodiga ah sida bixinta xogaha iyo sharci darada oo ay uga dhex adeeganayaan gudaha Sacuudiga.

Warbixintaani waxa ay muujineysaa in Xuutiyiinta ay saldhigyo badsanayaan taasina ay abuureyso arimo xasaasi ah.

COMMENTS