May 11, 2015 | Posted by admin

Hadalka ka soo yeedhay dagaalyahiniinta Xuutiyiinta ayaa ku soo beegmaya saacado kaddib markii shalay diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo ay duqeeyeen dhismaha uu magaalada Sanca ka deganyahay madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Cali Cabdalla Saalax ayaa la aaminsanayahay in xilliga duqeynta uusan ku sugneyn gurigiisa la duqeeyey kaasoo xilli dambe ka soo muuqday telefishin xilli uu dultaagnaa burburka gurigiisa la duqeeyey.

Toddobaadkii hore ayay Mareykanka iyo Sucuudiga ku dhawaaqeen qorshe lagu doonayo in xabbad-joojin looga gaaro colaada ka jirta dalka Yemen oo ay ku dhinteen dad badan kuwo kala ku barokaceen.

COMMENTS