August 17, 2017 | Posted by admin

Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka ayaa waxaa Maanta Lagu Qabtay Shir looga hadlayay  maalinta Beni’aadanimada Adduunka oo loogu dabaal degayay.

Shirka oo ay ka qeyb galayeen Masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, iyo kuwa matalaya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galaya Shirkaas ayaa waxaa ka mid ah Xog-hayaha Wasaarada Arrimaha Gargaarka iyo Beni’aadanimada Soomaaliya Maxamed Nuur Macalin.

Inta uu shirkaas uu socday ayaa waxaa la isla soo hadal qaaday Dhibaatooyinka ay la kulmaan Dadka ka shaqeeya arimaha Bini-aadanimada.

Xuskaan oo waqtigiisa laga soo Hormariyay ayaa ku aadanaa Maalinta Sabtida ee soo aadan Bishuna ay ku beegan tahay 19-ka

Halkaan hoose ka Daawo Sawirrada:

COMMENTS