July 6, 2014 | Posted by admin

Muqdisho-Ra’iisal wasaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa soo jeediyey qorshe ay ku doonayan in lugu sugo amniga magaalada caasumada ah ee Muqdisho oo muddooyinkii danbe xal loo la’aa.

Qorshahan cusub waxaa fer-fer socda ciidamo gaar ah oo an wali la shaacin magaca ay leeyihiin,balse astaan ahaan waxaa ay soo shabahan ciidanka nabad-sugidda qaranka,waxaana ciidamo muuqan wajiyadooda.

..””‘Marwalba way naga go’antahay xasilinta iyo amniga Muqdisho,waxaana wadna dadaalo arrinta la xiriira,qorshuhuna waxaa uu yahay in lagawada qeyb-qaato nabad ku soo dabaalida Muqdisho,..””ayuu yiri raysul wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa kalo uu raysul wasaare,Cabdiweli uu soo jeediyey inay baarlamaanku meel mariyaan sharciga la dagaalanka Argagixsada.

..””Baarlamaanka Soomaaliya,waxaan ka doonayna ney meel mariyaan sharciga la dagaalanka Argagixsada si dowladdu awood ugu yeelato in ay isticmaasho awoodo dheeraad ah oo cadowga looga hortagayo,..”‘ayuu ku yiri hadalkiisa raysul wasaaraha oo farrin u diray baarlamaanka.

1

Qorsha cusub ee xukuumadda ay ku dhawaaqday ayaa waxaa uu ku sheegay raysul wasaaruhu toddobaadka Kacdoonka Soomaaliya oo isku soo baxyo lagu muujinayo dhibaatada Al-shabaabka lagu qaban doono degmooyinka Muqdisho.

Al-shabaab oo horay u shaacisay bisha Ramadaan inay weerarro ka fulinayan Muqdisho ayaa xilligan waxaa ay wadan dilal iyo weerarro ay fulinaan dagaal-yahanno ka tirsan,balse dowladda ayaa dhankeeda sheegtay inay ka hortagayan qorshyaasha Al-shabaab.

2 3 4 5

??????????????????????????????? ???????????????????????????????

COMMENTS