January 13, 2013 | Posted by admin

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dusha u ridatay karashaadka ku baxaya safarka saddex muwaaddin oo Siiriya u dhashay, kuwaas oo laga soo daayay koox burcad badeed ah oo afduub u haysatay tan iyo sanadkii 2010.

Kooxda burcad badeedda ah ee sii daysay la-haystayaasha ayaa dhowaan ka tanaasushay falalka burcad badeednimo, waxayna sidoo kale maalmo ka hor sii daysay saddex nin oo kale oo Siiriyaan ah.

Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa ballan-qaaday inay dowladdu sugi doonto amniga ragga Siiriyaanka ah inta ay Soomaaliya joogaan. “Dowladdu waxay ballan-qaadaysaa inta ay joogaan muwaadiniintaan Muqdisho in ay bixinayso kharashkooda, ayna damaanad qaadayso amnigooda, sida ugu dhaqsiyaha badanna ay ugu diyaarinayso tikidhadii ay ku aadi lahaayeen dalkoodii,  arrintaas oo ka tarjumeysa dhaqanka wanaagsan ee Islaamka” ayuu yiri mudane Shirdoon.

“Waxaan ku faraxsanahay in ay dib u helaan xorriyaddooda, runtii si aan waafaqsanayn shuruucda caalamka iyo xuquuqda bini’aadamka ayaa xorriyaddooda looga qaaday muddo ka badan labo sano” ayuu yiri raysul wasaaraha sida ku qorneys war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

“Tani waxay markhaati u tahay sida ay kooxaha burcad badeedda ah u qaateen baaqii dowladda ee ahaa inay howlahaas faraha kala baxaan” ayuu yiri raysul wasaaraha.

Ridwan Khaalid Daaha oo ka mid ahaa ragga loo-haystay afduubka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in ay isaga iyo saaxiibbadiis dib u helaan xorriyadooda, isagoo u mahadceliyay dowladda Soomaaliya sida wanaagsan oo ay gacanta uga geysatay sii-dayntooda, iyadoon bixin lacag madaxfurasho ah.

La-hayastayaasha ayaa la qafaashay bishii December ee sanadkii 2010 xilli ay la socdeen markab lagu magacaabo Orna.

COMMENTS