October 30, 2014 | Posted by admin

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa xilka taliyaha booliiska Soomaaliya si KMG ah caawa ugu magacaabay Jen. Cismaan Cumar Weheliye (Gas-Gas), kaddib markii uu galabta si lama filaan ah ugu geeriyooday Muqdisho taliyihii hore ee booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil.

Magacaabista Jen. Gas-Gas ayaa kusoo beegmaysa saacado kaddib markii uu geeriyooday taliyihii hore ee booliiska oo muddo bilooyin ah xilkan hayay, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn sababaha ka dambeeya geeridiisa.

Taliyaha KMG ah ee booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ahaa saraakiishii hore ee booliiska Soomaaliya, intii ay jirtay dowladdii kacaanka, isagoo jagooyin kala duwan kasoo qabtay ciidamada booliiska.

Wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg oo shir jiraa’id xafiiska ra’iisul wasaaraha ku qabtay ayaa sheegay in booliiska si KMG ah loogu magacaabay Jen. Gas-Gas, isgaoo xusay inay muhiim tahay in la buuxiyo xilkii uu banneeyay taliyihii geeriyooday.

Jen. Maxamed Xasan oo maanta geeriyooday ayaa xilka taliyaha booliiska loo magacaabay bishii July ee sannadkan, kaddib markii xilka laga qaaday taliyihii ka horreeyay Jen Saacid.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi heer wasiir ah u saartay isla galabta baaritaan lagu sameeya sababihii keenay in taliyihii hore ee booliisku uu si lama filaan ah ugu geeriyoodo Muqdisho.

COMMENTS
  1. visit said:

    I just want to say I am newbie to weblog and certainly savored this blog site. Most likely I’m likely to bookmark your blog . You certainly come with remarkable posts. Thanks a bunch for sharing your blog.