December 31, 2012 | Posted by admin

Muqdisho-Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa faah faahin ka bixiyay miisaaniyadii ay maalintii  shalay ahayd ansixiyeen xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta oo  lahadlayay warbaahinta qaranka ayaa ayaa sheegay in miisaaniyadaasi Hirgelinteeda ay ku tiirsanaan doonto Dakhliga Dowladda ka soo gelaya gudaha Dalka.

Sidoo kale wasiirku waxa uu xusay in qarashka Miisaaniyadda dowladda ee 170 Milyan ee Doolar ah uu ka imaandoono gudaha dalka marka laga reebo ayuu yiri wax yar oo aan sidaa u badneyn,wuxuuna inta ku daray, in kor loo qaadi doono dakhliga Dowlada usoo Xerooda si loo daboolo Miisaaniyada Dowlada,  isagoo tilmaamay in sidoo kale sare loo qaadi doono Canshuuraha, isagoo   ku guubaabiyay shacabka somaaliyeed ee nabada jecel  in ay bixiyaan canshuuraha.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli maalintii shalay uu Baarlamanku Ansixiyay Miisaaniyada Dowladda ee sanadka 2013-ka.taasoo ay soo dhaweeyeen dadweynaha soomaaliyeed of  in mudo ah u dhuun daloolnaa sidii ay mar uun u arki lahaayeen Miisaaniyad dhab ah iyo Baarlamaan daacad ah oo u adeega shacabkiisa.

COMMENTS