February 26, 2013 | Posted by admin

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhibaato sidaa ubuuran aysan ka taagneyn Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose oo labo maalin kahor ay ku dagaalameen ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Raaskaambooni.

C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya oo shalay socdaal ku tagay Magaalada Kismaayo isaga iyo wafdi kale oo ka tirsan wasiirada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in dhibaato sidaa usii buuran aysan ka jirin Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in markii ay tageen Magaalada Kismaayo ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee Bulshada ayna kala hadleen sidii loo xasilin lahaa xiisada ka taagan magaalada Kismaayo.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in shacabka Kismaayo iyo waxgaradka ay ubalan qaadeen inuusan soo noqon dagaalka ka dhacay Magaalada Kismaayo markale.

Sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay inuu la kulmay maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo uuna kala hadlay sidii wax waliba wadahadal loogu dhameyn lahaa loona qaboojin lahaa xiisada kasoo cusboonatay Magaalada Kismaayo.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa iminka ah mid nabdoon inkastoo dadka deegaanka ay soo sheegayaan in ciidamada dagaalamay ay weli ku sugan yihiin Magaalada gudaheeda.

COMMENTS