March 9, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyaddda iyo Lacagta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey lacago cusub oo Shillin Soomaali ah oo dhowaan dowladda KMG ah ay keeni doonto gudaha dalka.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Dirir Faarax  oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay  ka warqabto lacagaha Shilin Soomaaliga ah ee dhowaan la keeni doono magaalada Muqdisho, kuwaasoo ah lacago cusub oo isugu jira, Kun, Laba Kun iyo lacago kale oo cusub.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cali Dirir Faarax waxa u sheegay in imaanshiyaha lacagtani oo ah mid daabacan  ay tahay lacag horrey ay u qorsheeyeen dowladidihii ka horreeyey, hase yeeshee keenisteeda dalka ay dowladdani la kowsatay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ayuu wasiir ku xigeenku sheegay iney wadaan qorshe looga baaraandegayo sidii looga hortagi lahaa sicir barar ay sameyso lacagtaasi cusub oo markii ugu horreysay imaan doonta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay ka hor inta aan lacagtaasi la isticmaalin la Bulshada loo sameyn doono wacyo galin si loo illaaliyo Danta guud ee ummada, dowladduna ay mar walba ku dadaalli doono horumarinta shacabkeeda.

Hadalhaynta lacagtan cusub ayaa muddooyinkani si aad ah loo hadalhayey, waxayna ku soo beegmeysaa xilli uu hoos u dhac ku yimid qiimaha sarrifka doollarka, iyadoo boqolkii dollar haatan lagu sarrifayo illaa Laba Milyan iyo Boqol Kun oo Shilinka Soomaaliga ah.

COMMENTS