December 31, 2012 | Posted by admin
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Xukuumadiisa afarta sano ee soo socota ay la imaanayso barnaamij bulshada Soomaaliyeed wax uqabanaya.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in tan iyo markii Xukuumadiisa la aas-aasay ayuu sheegay inay wadaan barnaamijyo muhiim ah oo hanaanka Dowladdnimo ee dalka Soomaaliya lagu hogaamin karo shacabkana ay ku qanci karaan.

Wuxuu sheegay in Dowladda kaligeed aysan wax qaban karin hadii aysan la shaqeyn shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka dalbaday bulshada inay Dowladda la shaqeeyaan.

Xukuumadda Soomaaliya ujeedkeeda ayuu sheegay inay tahay ku dhaqanka cadaalada iyo usinaanta Bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale in Dowladaha deriska la’ah dalka Soomaaliya ay nabadgalyo kula noolaadaan.

Dowladda cusub ee dalka Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa inay la timaado isbedel kaduwan Xukuumadihii soo maray dalka Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya.

COMMENTS