Muqdisho—Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeenta Muxuyidiin Max’ed Kaalmooy ayaa sheegay in ay Keeni doonaa Shirkado Caalami ah oo isbedel ku sameeya adeega Korontada dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in haatan dadka Soomaaliyeed aysan heysan adeega Koronto ee Loo baahnaa isagoona sheegay in ay Jiraan Shirkado Yar Yar oo keena Korontada Balse aysan Dabooli Karin Dhamaan Baahida Bulshada Soomaaliyeed taasina ay Shacabka ka sugayaan Wasaaraddiisa oo qaabilsan howlahaasi.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Dalka Gudihiisa iyo Dibadaba in ay ka qayb qaataan howlaha dib udhiska dalka isagoo shaaca ka qaaday in Wasaaradiisu ay daneeneyso in Shacabka ay gacan ku siiyaan howlaha Dib dhiska dalka.
Hadalka Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeenta ayaa ku soo aadaya xilli Baahi weyn loo qabo adeeg Koronto oo Horumarsan

All Posts
BBC 0400 GMT








