December 30, 2012 | Posted by admin
Astaanta qaranka

Muqdisho-Ra,isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ayaa sheegay in xukuumadiisu dardar gelineyso sidii loo bilaabi lahaa wadahadaladii u dhaxeeyey maamulka   Soomaaliland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Saacid ayaa xusay  in wadahadaladaasi laga rajo qabo inay Kasoo baxaan isku soo dhawaasho ay gaaraan dhinacyada Soomaalida maadaama soomaalida meelkasta ay joogaan  aanan kala maarmin, muqdasna ay tahay in la ilaaliyo   Midnimada Umadda soomaaliyeed.

Xukuumada  Saacid ayaa sidoo kale  diyaarisay qodobo Muhiim u ah Nabadgalyada iyo maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka isagoo Xusay inay xooga saareen dhowr qodob of ay kamid yihiin

Sidii loo xoreyn lahaa goobaha weli kuharsan gacanta Al-shabab ee katirsan Gobolada jubooyinka

Inuusan dhiig danbe ku daadan magaalada Kismaayo islamarkaana ay nabad Kuwada noolaadan dadka degan

In la awoodeeyo dadka kunool magaalada Kismaayo si ay madax banaani ugu Doortaan mas’uul aan loo doorin oo ay iyagu doortaan

In dowladu qaadato Hogaanka maamul usameynta gobolada Jubooyinka lana Raaco sida ay dadku raali ka yihiin iyadoo la tixraacayo warbixinta ay ka keeneen Wafdigii wasiirada ahaa ee dhawaan gaaray kulamana lasoo qaatay qeybaha bulshada iyo maamulka KMG ah ee gacanta kuhayay.

Hadalka Ra’sulwasaraaha ayaa imaanaya kagadaal markii ay dhowaan tageen magaalada kismaayo wafdi heer wasiiro ah ayna kulamo la soo qaateen mas,uuliyiintii ku sugnaeyd magaaladaasi,kwaasi oo maalintii shalay ahayd dib dalka ugu soo laabatay sheegeyna in ay si wanaagsan ugu soo dhamaadeen safarkooda shaqo ee ay ku tageen magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda hoose.

COMMENTS