July 10, 2014 | Posted by admin
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inuu biloowday isbedelka cusub oo ku aadan hanaanka lagu sugayo ammaanka caasimada Magalaada Muqdisho.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Ibraahin Isaaq Yaroow, ayaa Wariyeyaasha usheegay inuu biloowday isbedelka ku aadan hanaanka sugidda amniga Muqdisho, isaga oo sheegay inaysan jiri doonin cid dambe oo Dowladda ku jirta oo hoos dhibaatooyin ka maleegta.

Ibraahin Isaaq Yaroow, ayaa wuxuu tilmaamay inay sii socon doonaan isbedelada jira, isaga oo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay arki doonaan wax ay ku farxaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo 24-saacadood gudahooda waxa ay sameysay isbedelo deg deg ah, kadib markii Al-Shabaab habeeno hore Madaxtooyada Soomaaliya weerar culus ay ku qaadeen.

Taliyaha Nabadsugida,Taliyaha ciidamada Booliiska, ayaa xilalkii laga qaaday, iyadoo Wasiirka amniga loo magacaabay Khaliif Axmed Ereg.

COMMENTS