September 26, 2016 | Posted by admin

Ra’iisul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukumadda Federaalka Soomaaliya aysan ku qanacsanayn xukunka dilka ah ee dowladda India ku riday dhalinyaradda Soomaaliya ,madama aysan helin fursad ay iskaga difaacaan eedaymaha loo soo jeediyey .

“Xukumadda Soomaaliya kuma qanacsano xukunka dowladda India ay ku riday dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xirnaa xabsiyadda dalkaasi, qof kasta oo bini aadan ah waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xukun ku dhisan Cadaladda , sidaa daraadeed waxaan aaminsanahay in muwaadiniintaas Soomaaliyeed aysan helin Cadaalad maadaama an fursad loo siinin in ay qabsadaan qareeno u doodda ama ka difaaca eedaymaha loo haysto “ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa tilmaamay in xukumadu ay kala hadli doonto dowladda India Xukunka ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed kuwa ku jira xabsiyadda dalkaasi sidii ay ku heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun cadaalad ah .

“ Dowladda india wan kala hadli doono dhalinyaradda ku jirta Xabsiyada Dalkaasi sidii ay u heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun ku salaysan Cadaaladda ,waxan sidoo kale la wadaagi donaa in xukumadda Soomaaliya ay aaminsan tahay xukunkii lagu riday dhalnyaradda Soomaaliyeed uusan ahayn mid Cadaaladda ah, aysana xaq u leeyihiin muwaadininta Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyada dalkaasi in ay helaan fursad ay isku difacaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Soomaaliya .

Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke Ra’iisal Waasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa ugu danbayntii xusay in xukumadda Soomaaliya ay dadaal wayn ku bixinayso sidii dhaliyaradda Soomaaliyeed ku xiran xabsiyadda Calamka ay u heli lahayeen xukun ku dhisan Cadaalad isla markaana ay qayb ka mid ah xukun koodda ugu qadan lahayeen Xabsiyadda ku yaalla Dalka .

Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka arimaha dibada somaaliya ayaa lagu cambaareeyay xukunkaas.

????????????????????????????????????????????????????????

????????????????????????????????????????????????????????

COMMENTS