December 4, 2016 | Posted by admin

Magaalada Muqdisho Maanta waxaa lagu soo xiray shir looga hadlayay abaaraha dalka ka jira kuwaasi oo saameen ku yeeshay Dadka iyo duunyada ku nool qaar ka mid ah Gobalada Dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku soo xiray Shirka looga dejinayay  u adkeysiga Aafooyinka sida abaaraha soo noq noqda ee Dalka ka jira iyo Fatahaadaha Wabiyada sidii looga Gudbin lahaa.

Shirka oo Muda 3- Maalin ah ka soconayay Magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaaliya  waxaana ka qeyb galay Xubno ka socday Maamul Goboleedyda Dalka marka laga reebo Maamulka  Puntland iyo Soomaaliland.

Shirka ayaa waxaa laga soo agaasimay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, Waxaa furitaanka Shirkan Warbixino looga dhageystay Hay’addaha caawiya Soomaaliya qaarkood oo wax laga weydiiyay wax ay ka qabteen abaaraha ka jira Dalka iyo Fatahaadaha Saameeyay Gobalada qaar.

qodobadii laga  soo saaray Shirka iyo waxyaabaha ay ku heshiiyeen waxaa Shirka ka akhriyay C/qafaar oo ka mid ahaa Xubnihii Shirka ka qeyb galay.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte oo si rasmi ah Shirka u soo xiray ayaa sheegay in Madaxda Dowladda iyo Maamul goboleedyada ka jira Dalka looga baahan yahay in ay meel uga soo wadajeestaan wax ka qabashada abaaraha ka jira Dalka.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS