July 18, 2014 | Posted by admin

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Waxaana goluhu ku dhawaaqay in dalka ay ka jiraan abaaro daran, iyagoo guddi wasiiro ah u saaray wax ka qabashada abaaraha.
Golaha Wasiirrada ayaa markii ay dood dheer ka yeesheen xaaladda abaaraha iyo biyo la’aanta ka taagan qaybo ka mid ah dalka, taas oo ka dhalatay roobkii oo daahay xiliga guga , ayaa goluhu ku dhawaaqay in ay jiraan xaalado abaaro iyo biyo la’aan ah. Waxaana goluhu ay sheegeen in dhibaatadani ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka,

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda ay ku yaboohday lacag dhan 500,000 oo Dollar oo gurmad deg-deg ah loogu fidinayo dadka dhibaatadu saamaysay “ Xukuumaddu waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaarsiinayo dadka dhibaataysan, waxana ay beesha caalamka, Ganacsatada iyo Qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay naga gacan siiyaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa. waxaana goluhu magacaabay guddi wasiiro oo la tacaala wax ka qabashada abaaraha, waxaana gudiga hor kacayo Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ugu dambeen, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji C/weli ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay sidoo kale ka hadleen ammaanka dalka, gaar ahaan dagaaladii ka dhacay gobolka Hiiraan, iyadoo Xukuumaddu ugu baaqday in shuruud la’aan lagu joojiyo dagaalka, waxaana uu xusay in Wafdi ka socda Xukuumaddu ay gaareen gobolka Hiiraan si ay gacan uga gaystaan xal u helida dagaalada ka dhacay tuulooyin ka mid ah gobolka.. Waxaa dhanka kale Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadda ammaanka todobaadkan ay ka hor tageen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo kooxaha Nabad-diidku doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee Sooman.

COMMENTS