October 25, 2012 | Posted by admin

Safaf dhaadheer oo Gawaari ah ayaa is qabsaday wadada isku xirta magaalooyinka Maka Al-mukarama iyo Mina, iyadoo ciidamada booliskana ay baarayaan sharciyada dadka ay sitaan iyo gaadiidka ay lasocdaanba.

Tani waa bilaawgii waqtiga Xajka, amaanka aad ayaa loo adkeeyay waxaana jira bara koontarool, dalka Sacuudiga ayaa qaabilaya milyanis dad ah oo sanadkaan xajinaya.

Xajka ayaa sanadkaan kusoo beegmay waqti marxalad aad u adag uu gobolka Bariga dhexe wajahayo, waxaana dadbadani ay kawalbahaarsanyihiin in Colaada Siiriya iyo harsi la’aanta kale ee kajirta wadamada carabta ay saameeyn ku yeelato Xajka.

Dowlada Sacuudiga ayaa xujeeyda u xaqijisay in ciidamo amaanka suga lageeyay meel walbo oo kamid ah goobaha loo tagayo gudashada arkaanta xajka.

Xajka oo sanadkiiba ay kaqayb galayaan dad kabadan 2 milyan oo ruux, ayaa xujeeyda maanta waxay tagayaan oogada sare ee buurta Carafo, maantka waa maalinka ay xujeeyda oo dhan ay ku kulmayaan buurta barakeeysan ee Carafo waxayna joogayaan ilaa gabaldhaca iyagoona ALLE baryi doona waydiisanayana danbi dhaaf.

Xajka waxa uu kamid yahay 5-ta tiir ee islaamka waxaana laga rabaa qof walboo muslim ah awoodana inuu tago halmar.

COMMENTS