June 24, 2016 | Posted by daacad yare

Madasha Hogaamiyaasha Qaran iyo dowlad gobaleedyada ayaa isku raacay in labo 2-xubnood oo ka socda Beelaha Banaadiriga lagu daro Aqalka Sare ee dalka,

Wakaalada wararka soomaaliya ee SONNA oo soo xiganeesa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jaylaani Nuur Ikar ayaana warkaasi baahisay.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa horay u ahaa 54-xubnood waxaana haatan go’aankaan cusub xubnaha Aqalkaas la dhisayo uu ka dhigayaa 56-xubnood.

Madasha Hogaamiyaasha Qaran iyo Dowlad gobaleedyada ayaa  ku shirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka baay waxaana la filayaa in shirkaas maanta la soo geba gabeeyo.

COMMENTS