September 12, 2014 | Posted by admin

Maleeshiyaadka kooxda Daacish ee (IS) oo ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa Calanka ay caanka ku yihiin waxeey ka dul taageen Diyaarado iyo Madaafic dagaal oo ay dhawaan qabsadeen balse taas badalkeeda waxay maleeshiyaadkaan dhoor jeer la kulmeen dhabar jabin looga soo sameeyay xaafadaha dhexdooda.

Ciidamada Milatariga dalka Ciraaq iyo maleeshiyaad Kurdiyiin ah oo is baheeysaya ayaa dhabar jabin ku haya xoogaga Daacish waxaana taas uga sii daran Mareeykanka oo hawada sare ka gubaya gawaarida sahayda u sida kooxda (IS) ee Daacish.

Warbixin Qaramada Midoobay ay soo saartay ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in maleeshiyaadka ururka Daacish ee (IS) ay si xoog ah ku dagaal galiyeen caruur aad u yar yar oo dhawaan ay ka kaxeeysteen gobolo iyo magaalooyin la isku fara saaray .

COMMENTS
  1. Hello! I just would like to give an enormous thumbs up for the fantastic info you might have here on this post. I will be coming back to your weblog for alot more soon.
    [url=//www.hydacusa.com/techsupport/tech.asp?key=cheap-jordans-online-33]cheap jordans online[/url]

  2. bought fake hermes on ebay replica hermes online xs aeibsvlrw

  3. hermes outlet paypal hermes jige clutch replica for sale qfgnushf