April 16, 2014 | Posted by admin


Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Kismaayo, ayaa waxay sheegayaan in xalay dagaal xoogan uu ka dhacay xaafada Via Afmadow ee Magaalada Kismaayo.

Xoogag hubeysan oo aan si rasmi ah loo aqoon cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa waxay weerarkaan ku ekeeyeen fariisimaha Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ay ku lee yihiin xaafada Via Afmadow.

Goobjooge, ayaa sheegay in dagaalka uu ku bilowday, hubka waaweyn oo lagu garaacay fariisimaha Ciidamada Amisom, deetana uu weerarku isku bedelay dagaal fool ka fool ah.

Muddo hal saac ah, ayaa la sheegay in labada dhinac ay ku wada dagaalameen xaafada Via Afmadow, iyadoo markii dambena ay dib u gurteen Xoogagii weerarka soo qaaday.

Ilaa iyo hadda waxaan la aqoon khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkaan, iyadoo aynaan jirin wax war ah oo weli ka soo kala baxay Saraakiisha Maamulka Jubba, Amisom iyo Ururka Al Shabaab.

COMMENTS