July 19, 2014 | Posted by admin

Wararka laga helaayo Gobolka Xeebta ee dalka Kenya, ayaa waxay sheegayaan in xalay wadada loo galay bas rakaab siday, oo ka yimid Magaalada Mombasa, kuna sii jeeday Lamu.

Weerarka, ayaa ka dhacay deegaanka Witu oo ka tirsan Magaalada Lamu, isla-markaana wuxuu weerarka ka dambeeyay markii niman hubeysan ay xoog ku joojiyeen gaarigaasi, isla-markaana ay qafaasheen.

Laamaha ammaanka oo ku baxay Xoogagii qafaashay gaariga rakaabka, ayaa waxa uu dagaal ku dhex maray meel aan ka fogayn deegaanka Witu, wuxuuna iska horimaadku geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Njenga Miiri, Madaxa ammaanka ee Gobolka Xeebta, ayaa shaaciyay inay dhinteen 5 ruux, oo laba ka mid ah ay ka tirsan yihiin Ciidanka Booliska, iyadoo 3-da kalana uu ku sheegay inay yihiin rakaabkii gaariga la socday, isla-markaana ay dhaawacmeen 8 ruux, oo 4 ay Booliska tahay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay baxsadeen raggii weerarka soo qaaday, kadib markii uu sheegay inay ku firdhadeen hawdka, ayna adkaatay in la soo qabto, xilliga oo habeen ahaa.

Booliska Kenya, ayaa waxay baadi-goob ugu jiraan qaar ka mid ah rakaabkii gaariga la socday, oo la la’yahay halka ay ku maqan yihiin.

Weerarkaan wuxuu ku soo aadayaa, xilli Baarlamaanka Kenya uu Khamiistii diiday in Ciidanka Kenya laga soo saaro Gobolada Koonfurta ee Soomaaliya.

COMMENTS