December 21, 2014 | Posted by admin

Xoogag hubeysan, ayaa waxay caweysnimadii caawa ay weerar hubeysan ku qaadeen hoyga Gudoomiyaha Degmada Kaxda, uu ka degan yahay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Hoyga la weeraray waxa uu ku yaallaa Degmada Kaxda, iyadoo uu ku dhow yahay Xarunta Maamulka Degmada Kaxda, waxaana halkaasi uu isku horimaad ku dhex maray ilaalada Gudoomiyaha iyo Xoogagii weerarka soo qaaday.

Iska horimaadkaan waxa uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo la ogyahay inay ku dhinteen laba ruux, oo middi uu yahay askari ka tirsan ilaalada hoyga la weeraray, halka qofka kalana lagu sheegay haweeney wadada mareysay, oo rasaastii lees weydaarsanaayay ku dhimatay. Sidoo kale waxaa jira askari kale oo weerarkaasi ku dhaawacmay, waxaana la ogayn khasaaraha weerarkaasi ka soo gaaray Xoogagii weerarka geystay.

Ilo madax banaan, ayaa waxay sheegayaan in xilligii hoyga la weeraraayay uu ka maqnaa Gudoomiyaha Degmada Kaxda Cabdi Kaamil Macalin Shukri.

Weerarkaasi waxa uu baqdin ku keenay dadka ku nool Degmada Kaxda, oo aan iyagu u baran weerarada noocaanoo kala ah inay ka dhacaan Degmadaasi.

Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa waxay baahisay in Xoogaga Shabaabka ay caawa weerar ka fuliyeen Degmada Kaxda, ayna ku dileen ugu yaraan laba askari, isla-markaana ay ka qaateen hubkii ay heysteen.

Maamulka Degmada Kaxda iyo hay’adaha ammaanka, ayaan ka hadlin weerarka abaabulan ee caawa ka dhacay Degmadaasi. Weerarkaan waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo maanta la sheegay in Degmada Hodan lagu dilay Gudoomiyiii Waaxda NBC ee Degmadaasi.

COMMENTS