July 22, 2017 | Posted by admin

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta ku dhawaaqay in  shaqo joojin uu ku sameeyay Xoghayihii Joogtada ee KMG ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Yaxye Cali Wada shaqeyn xumo waxa uuna sheegay in si KMG ah shaqadii uu ka hayay wasaarada laga joojiyay.

 

Dhankale Wasiirka ayaa u magacaabay Xoghayaha Joogtada ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu si KMG ah Xilkaasi u qabto nin lagu magacaabo C/llaahi Maxamuud Xasan.

warqad1

 

COMMENTS