March 15, 2017 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku mashquulsan soo magacabista Golihiisa Wasiirada oo uu kala tashanayo Madaxweynihiisa Mr Farmaajo, waxaana durbaba soo baxaya shaxda Wasaarado qaar oo qaab awood qeybsi ah u heleen maamul goboleedyada.

Sida ay sheegayan wararka labada hogaamiye ayaa shax awood qeybsi ah u sameeyay Maamul Goboleedyada dalka ka jira hase yeeshe Maamulka Hirshabeelle ayaa laga hoos mariyay Maamulada kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ka hor inta aanay Madaxda dowladda safaro dibadeed ugu ambabixin lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa culeysyo kala kulmaya qabaa’ilka waa weyn iyo Wasiirada muhiimka ah ee ay xusul duubka ugu jiraan, waxaana wararka qaar sheegayaan in Wasiirada muhiimka ah qaab maamul goboleed lagu qeybiyay.

1- Puntland: Wasiirka Difaaca

2- Somaliland: Wasiirka Maaliyadda

3- Koofur Galbeed: Arrimaha Dibadda

4- Galmudug: Arrimaha Gudaha

5- Jubbaland: Amniga

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Maamulka Hirshabeelle uu heli doono Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiir, waxaana la isla dhex marayaa in Wasiirkaas uu noqonayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Illaa saddex haween oo horay uga soo muuqday Xukuumadihii hore ayaa lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan Xukuumaddan cusub, iyagoo helaya xilal muhiim ah.

Ilo wareedyada muhiimka ayaa sheegaya in Wasaarado cusub lagu soo kordhin doono Xukuumadda, sida Dalxiiska, Duurjoogta, Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta, Deegaanka iyo aafooyinka.

Maalinta Arbacada oo beri tahay ayaa la filayaa in ku dhawaaqista noqoto in kastoo laga yaabo in dib u dhac ku yimaado magacabista Golaha Wasiirada.

COMMENTS