February 29, 2012 | Posted by admin

Saraakiil aad ugu dhow ciidamada Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in si wadajir ah ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ay isugu diyaarinayaan duulaankii ugu dambeeyey ee ku tegi lahaayeen degmooyinka ku hareereysan Muqdisho sida Afgooye iyo Balcad oo ka tirsan labada Shabeelle.
Duulaankan oo hadda uu dhaco noqonaya midkii ugu horeeyey ee AMISOM uga talwdo xeyndaabka Muqdisho ayaa la qorsheynayaa inuubilawdo usbuucyada fooda nagu soo haya xilligaasoo lagu wado in askar dheeraad ah oo illaa 4,000 gaareysa ay soo gaaraan AMISOM, sida aan ka soo xiganay dad ku dhow taliska AMISOM ee Muqdisho.
Bishan Febraayo horaanteedii ayaa ciidamada AMISOM oo ay caawinayaan kuwa DKMG ah waxay fariisimo kasameysteen wadada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta iyo duleedka degaanka Kaxda ee koonfur galbeed Muqdisho kaga beegan. Labada fariisin waxaa horey u joogay ciidamada Al-Shabaab.
Diyaarinta duulaanka cusub ayaa laga dareemi karaa marka aadtagto xarumaha ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho ku yaalla, waxaana aad arkeysaa baabuurta gaashaaman ee militari iyo ciidamo si raxanraxan ah u socda waddooyinka isku xira magaalada.
Dhowaan taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Gen Fred Mugisha iyo Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Arimaha Soomaaliya Wafulu Wamunyinyi oo si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay ayaa Raxanreeb weydiisay qorshaha duulaanka Afgooye ayaa labaduba xaqiijiyey in AMISOM ay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro gobalada ku dhow caasimada.

Gen Mugisha iyo Wamunyinyi oo shir jaraa’id wada qabtay
“Waan sii wadeynaa dagaalka aan kula jirno al-Qaacida, anagu marnaba ma joojineyno dagaalka illaa inta kooxda al-Qaacida ee ku soo duushay Soomaaliya ay ka tirtirmayaan ama dalka isaga baxayaan.” sidaasi waxaa ku jawaabay taliyaha AMISOM Fred Mugisha oo ka jawaabayey su’aasha Raxanreeb weydiisay.
Amaanka Muqdisho
Saraakiisha AMISOM iyo kuwa DKMG ah waxay isku raacsan yihiin adkeynta amaanka Muqdisho inay ku xiran tahay in marka hore ciidamadu gaaraan irdaha Magaalada laga soo galo oo Afgooye ka mid tahay. Waxaa jiray kulamo xiriir ah oo arinta amaanka Muqdisho, gaar ahaan qaraxyada iyo dagaalada ay soo qaadaan Al-Shabaab laga yeeshay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay kuwaasoo saraakiisha DKMG ah ay ku cadeeyeen inaan Al-Shabaab laga guuleysan karin illaainta ay meelo u dhow Muqdisho duulaan ka soo qaadayaan.
Waxaa jiray qorshe horey AMISOM ugu adeegsatay suuqa Bakaaraha markii laga saaray Al-Shabaab kaasoo ahaa in marka hore la hareereeyo mudana la dul deganaado si ay uga baxaan dagaalyahanada Al-Shabaab, waxayna saraakiisha AMISOM sheegayaan in qorshahaasii uu aad u yareeyay khasaaraha shacabka ku dhex nool Al-Shabaab. Waxaana hadda lagu dhaqmayaa qorshe kaas la mid ah.
AMISOM waxay ku niyadsan tahay in mardhow ay ku soo biiri doonaan cutubyo ka socda wadamada Sierre Leone iyo Jabuuti taasoo qeyb ka ah ansixintii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee ahayd in tirada AMISOM la gaarsiiyo 17,731 askari. Tiradaan ayaa haddii ay helaan AMISOM waxaa xitaa qorshaha ugu jirta in ciidamo ay u diraan Beledweyne, Baydhabo iyo Kismaayo. [Qaraarka Golaha Amaanka]

Taliyaha Xooga Dalka iyo Wasiir ku xigeenka Difaaca oo shir jaraa’id wada qabtay
Hadda Waxaa Jabuuti ka jooga 200 askari oo kaliya oo ku eg amaanka dekeda weyn ee Muqdisho. Hase yeeshee sida saraakiisha AMISOM sheegayaan waxaa la filayaa in ciidanka Jabuuti ay gaaraan illaa 1,000 askari.
Taliyaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo Raxanreeb weydiisay goorta ay qorsheynayaan inay duulaanka qaadaan ayaa ku gaabsaday “waqti hebel ma dhahayo waa arin militari laakiin waxaan kuu sheegayaa in meel kasta la tegi doono”.
Ciidamada Kenya
Ciidamada Kenya oo haatan dagaal ka soo wada dhanka soohdinta Juubada Hoose ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqdaan hawlgalka AMISOM iyadoo toddobaadka soo socda ciidamadaasi ay toos u qaadan doon koofiyada cagaaran ee AMISOM ayna iska dhigi doonaan mida militariga Kenya. Kenyaanka waxay ogolaadeen inay AMISOM ku biiraan laakiin taliskooda gaarka ah ay yeeshaan sida lagu cadeeyey qaraarkii Qaramada Midoobay ka soo baxay toddobaadkan.
Sida lagu wado ciidamada Kenya oo kaashanaya xoogaga DKMG ah waxaa looga fadhiyaa inay qabtaan magaalada Kismaayo oo ah il dhaqaale oo muhim u ah Al-Shabaab.
Dhanka koonfurta galbeed waxaa iyaguna gacan caawimaad lagu micneeyey ka geysanaya ciidamada Ethiopia oo si cad u diiday inay AMISOM ka mid noqdaan laakiin sheegay inay ku ekaan doonaan taakuleynta ciidamada DKMG ah iyo AMISOM iyagoo Shabaabka ka soo xaaqaya gobolada Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan oo kaliya.
Qorshaha miltari ee hadda degansan ayaa ah sidan:-
– Ethiopianka waxaa loo daayey inay ka soo dagaalamaan Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan, meelaha ay qabtaana waxay ku wareejin doonaan ciidamada AMISOM haddii la waayana ciidamo la abaabulay oo taageersan DKMG ah (Ethiopianka waxay ku ekaan doonaan Buuloburte oo Hiiraan ah, iyo Xuduuda Baay oo ku dhow deegaanka Leego).
– Ciidamada Kenya oo kaashanaya kuwa DKMG ah waxay ka soo socon doonaan dhanka Kismaayo illaa ay ka soo gaaraan Jilib. 9Waxaa qorsuhu yahay in ciidamo AMISOMloo diro Kismaayo ka dibna la abaabulo ciidan DKMG ah oo magaalada hanta amaankeeda).
– AMISOM iyo ciidamada DKMG ah ee Muqdisho jooga ayaa u dhaqaaqi doona saddex waddo ee kala aada Afgooye, Basra iyo Balcad (Waxaa qorsuhu yahay in AMISOM ay fariisimo dhigato baro muhim ah sida buundada Afgooye, tan Balcad ka dibna ay u talawdo Marka iyo Jowhar).
Walaaca hay’adaha UN-ka

Askari ka mid ah ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya
Deegaanka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye oo qiyaas ahaan dhan 18-KM waxaa ku nool dad ay hay’aduhu ku qiyaaseen 1.5 ruux (hal milyan iyo bar), dadkaasoo ahaa kuwii magaalada Muqdisho ka barakacay afartii sano ee la soo dhaafay oo ay dagaalo xoogan ka socdeen caasimada. Inkastoo dadkii badankiis dib ugu soo laabteen guryahooda magaalada haddana weli waxaa jira dad ku haray inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye kuwaasoo hay’adaha Qaramada Midoobay ka walaacsan yihiin haddii duulaan la qaado in dadkaasi wax soo gaaraan.
Hay’adaha Qaramada Midoobay- oo qaarkood dib xafiisyadooda uga furtay Muqdisho waxay cadeeyeen in aan la aqbali karin in rayid kale ay ku dhintaan dhulka loo barakacay, lagana fiirsado duulaanka ku wajahan Afgooye ka hor inta aan la qaadin, taasoo ka careysiisay saraakiisha AMISOM. Sida xog hoose ay sheegeyso waxaa ugu dambeyn la isku raacay in la sugo inta dadweynaha ka soo dhamaanayaan Ceelasha biyaha iyadoo DKMG ahna laga codsaday inay dadka idaacadaha ka wacyigeliso.
Arin kale oo hay’aduhu ka walaaceen ayaa ah in dadka soo laabanaya aysan heysan tasiilaadka muhimka ee xagga nolosha sida caafimaadka, dugsiyadii iyo guryihii ay degi lahaayeen oo burbursan kharashna aysan u heli karin. Halka barakacayaashii magaalada deganaa ay dawladu bilowday inay guryaha danta guud ka saarto.
Ku xigeenka Xafiiska Iskuxirka Gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya Kiilian Klienchsmedt oo dhowaan wareysi siiyey Raxanreeb ayaa xaqiijiyey in Qaramada Midoobay ay ka walaacsan tahay dadka soo laabanaya ee guryaha heysan iyo kuwa dawladu guryaha ka saareyso, isagoo sheegay inay muhim tahay in xal loo helo arimahan.

COMMENTS