June 8, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Raisul Wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka ganacsiga ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa soo dhoweeyay war maanta ka soo yeeray dowladda Mareykanka oo ku saabsanaa in malaayiin doollar la siin doono ciddii warkooda keenta 7 horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan cid kasta oo la dagaallamaysa maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo tallaabo wanaagsan ku tilmaamay lacagta ay dowladda Mareykanka dul-dhigtay horjoogayaasha sarsare ee Al-Shabaab.

Cabdiwahaab Ugaas Xuseen  ayaa sheegay in ay marar badan isku dayeen in ay wada-hadal la galaan maleeshiyada Al-Shabaab, hase ahaatee ay isku daygooda ka hor yimaadeen horjoogayaasha maleeshiyada.

Dowladda Mareykanka ayaa maanta shaacisay inay 33 milyan oo doollar siin doonto ciddii soo sheegta meesha ay joogaan 7 horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab.

COMMENTS