Duhur:Muqdishu- Kooxda xisbul islaam ayaa ka dalbatay dadka ku bara kacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye inay Sakaatul fitriga siyaan Maleeshiyaadka kooxdaasi oo ka tirsan mucaaradka dagaalada hubeysan kaga soo horjeeda dawladda.
Horjoogayaasha xisbul islaam ee deegaanada Ceelasha biyaha iyo Lafoole ayaa maanta kulan saacado qaatay la yeeshay odayaasha xeryaha lagu soobarkacay ee deegaanadaas iyaga oo ka dalbaday lacagaha ay zako ahaanta u bixinayaan inay ku soo warejiyaan maleeshiyaadka xisbul silaam.
Horjoogayaasha xisbul islaam ee Kulanka la qaatay odayaasha ayaasheegay inay ka doonayaaan dadka u soo baarakacay deegaanadaas in Sakaatul fitriga lagu soo wareejiyo maleeshiyaadkooda, iyagootilmaamay goobo ay doonayaan in dadku ay isugu geeyaan sakada.Arintaan ayaa layaab ku noqotay odayaashii ka qeyb galay kulankaas,maadaama ay tahay markii ugu horeysay ee maleeshiyaadka xisbul islaamla yimaadaan Hindisahaan oo kale.
Dhinaca kale maleeshiyaadka Kooxda Al Shabaab ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku amaray shacabka ku nool deegaanada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ee ay gacanta ku kooxdaasu heyso inay sakaatul fitriga siiyaan Maleeshiyaadkooda.Kooxahaan ayaa raadinaya dhaqaale ay ku socodsiiyaan dagaalada aydoonayaan in ay ku dumiyaan dowladda Sharciga ah ee Soomaaliya.

All Posts










