May 27, 2014 | Posted by admin

Waxaa la soo afjaray doorashadii baarlamaanka yurub, waxaana dhamaan wadamada midowga yurub lagaga dhawaaqay natiijooyinkii doorashada. Waxaa guul weyn gaaray xisbiyada xagjirka ah ee ka dhisan wadamada kala duwan ee yurub.  Xisbiyadaan cunsuriyiinta ayaa waxaa ay ku guuleysteen iney kuraas aad u badan ka helaaan baarlmaanka yurub, taas oo u suurtogelin doonta iney saamayn weyn ku yeeshaan siyaasada qaarada yurub. Maadaama cunsuriyiintu kuraas fara badan ay ku yeelanayaan baarlamaanka yurub, waxaa ay noqon doontaa in siyaasada cunsurinimada iyo midabtakoorka ay noqdaan kuwo aan lala gaban ee si toos ah loo difaaco ,loona dhaqan geliyo. Dadka ajanaaniibta ah gaar ahaan dadka muslimiinta ah ayaa ah kuwo bartilmaameed u ah siyaasada cunsiriyiinta. Kolkii wadamada loo eego si gaar-gaar ah ayaad arkeysaa in cunsuriyiintu ay wadamo badan ka noqdeen xisbiga ugu codka badan:

Fransiiska: Xisbiga la yiraahdo Front national ayaa noqday xisbiga ugu weyn dalka faransiiska, waxaana uu helay ilaa qiyaastii 25,4 boqolkiiba codadka guud ahaan dalka faransiiska. Taas ayaa macnaheedu yahay in xisbigaan cunsuriga ahi uu baarlamaanka yurub ka heli doono ilaa 25 kursi. Xisbigaan ayaa ah mid aad iyo aad u neceb guud ahaan ajaaniibta gaar ahaana dadka muslimiinta ah.

Ingiriiska: Xisbiga cunsuriga ee la yiraahdo UKIP ayaa isna gaaray guulo aad u weyn oo aan horay loo arag. Xisbigaan ayaa noqday midka ugu weyn dalka boqortooyada ingiriiska, waxaana uu helay in ka badan boqolkiiba 27 codadka guud ( 27%)

Danmark: Dansk Folkeparti oo ah xisbi aad u xagjir ah ayaa isaguna noqday midka ugu codadka badan dalka Danmark, waxaana uu helay boqolkiiba 26 codadka guud ( 26%). Dansk Folkeparti waxaa uu si bareer ah u weeraraa dadka muslimiinta iyo madowga ah ee ku dhaqan dalka danmark. Siyaasadiisuna sida cunsuriyiinta kale ee yurub waxaa ay ku salaysan tahay in dadka ajaaniibta ah dalalkii ay ka yimaadeen loo celiyo, ama aad loo dhibo oo loo cadaadiyo si ay iyagu iskood dalka uga guuraan.

Sweden: Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa gaaray guul wax ku ool ah. Waxaa ay markii kowaad ku guuleysteen iney laba kuri ka helaan baarlamaanka yurub. Xisbigan ayaa ah mid mar walba kor usii kacaaya. Dadka swedishka ah badankood iyo ajaaniibta ayaa aad uga welwelsan horumarka uu xisbigaani gaaray. Waxaa aad looga baqayaa in doorashada dalka sweden ee bisha sebtember uu gaaro guulo kuwaas la mid ah. Dadka soomaalida ah ayaa ugu badan kuwa uu xisbigani halqabsiga ka dhigto. Waxaa uu xisbigaani aaminsan yahay in dhamaan ajaaniibta ,gaar ahaan soomaalida lagu celiyo dalkoodii oo waxii la tari karo halkaas lagu taro.

Guud ahaan qaarada yurub ayaa waxaa aseebay dabaylo cunsuriyadeed oo si xawli ah ku socda, kuwaas oo aan la aqoon saamaynta ay yeelan doonaan wakhtiga dhow iyo midka dheerba. Haddii ay xaaladu sidaan ku sii socoto, waxaa adkaan doonta in dadka muslimiinta ahi ay ku noolaadaan qaarada yurub. Maxaa yeelay siyaasada cunsurinimada iyo midabtakoorka ayaa noqon doonta mid sharciyeysan oo baarlmaanada ka dhex shaqaysa. Waxaa si toos ah loo hirgelin doonaa siyaasadaha xagjirka ah ee xisbiyadaani wataan.  Waxaa laga yaabaa in 15 sano ee soo socda ay xisbiyadaan cunsuriyiintu ay qabsadaan oo maamulaan wadamo badan oo yurub ah. Khatarta ay leedahay horumarka xisbiyada cunsuriyiinta ayaa ah mid aan la dhayalsan karin.

Halkaan hoose ka eeg guusha ay gaareen xisbiyada cunsuriyiinta yurub:

Sweden: Sverigedemokraterna (SD) 9,7 procent

Danmark:  Dansk Folkeparti 26 procent

Finland:  Sannfinländarna PS 12,9

Ingiriiska  : Ukip 27 procent (preliminära siffror).

Jarmalka: Nationaldemokraterna (NPD) 1,0 procent

Fransiiska:  Front national 25,4 procent

Giriiga:  Gyllene gryning 9,3

Talyaaniga: Lega nord 6,0 procent

Holland:  PVV 12,9 procent

Hungary: Jobbik 14,6

Austriya: FPÖ 19,5 procent

COMMENTS