January 10, 2018 | Posted by admin

Xisbiga Wadajir ayaa maanta soo bandhigay
Magacyada Taliyayaasha iyo Saraakiishii ka
danbeysay Weerarka 17-kii December lagu
qaaday Xarunta Xisbiga oo ku taala Degmada
Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir
Guutaale oo Saxaafada kula hadlay Magaalada
Muqdisho ayaa sheegay iney maanta gudbiyeen
Dacwad ka dhan ah Xeer ilaaliyaha Guud ee
Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ay ku
eedeeyeen inuu fududeeyay Weerarkii lagu soo
qabtay Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur
Warsame.
Waxa uu sidoo kale Guutaale sheegay iney
maanta xareeyeen dacwad ka dhan ah
Agaasimaha Madaxtooada Somaliya Fahad
yaasiin Xaaji Daahir oo isna ku eedeysan inuu
lahaa abaabulka lagu soo xiray Madaxda Xisbiga
Wadajir.
Kamaal Guutaale ayaa ku sheegay magacyada
Taliyayaasha iyo Saraakiishii hogaamineysay
Weerarka Habeen madoow lagu qaaday Xarunta
Xisbiga Wadajir; C/Qaadir Maxamed Nuur
Jaamac Kusimaha Taliyaha Nabad Sugida
Somaliya, aadaq Cumar Xasan Taliyaha Nabad
Sugida Gobolka Banaadir, C/Xakiin Nuur Ciise
Sarkaal NISA arimaha Dibeda, Yaasiin ganeey iyo
Faarax Maxamuud Qaaroole oo Saraakiisha NISA
Kamid ah.
Kamaal Guutaale ayaa usoo jeediyay in xilalka
laga qaado Saraakiisha iyo Masuuliyiinta kale ee
soo eedeeyeen inta ay socoto baarista
dacwadaha ay ka soo gudbiyeen.
Tirada dadka loo heysto Weerarkii lagu dilay
askarta C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayey ku
sheegeen Sagaal ruux oo isugu jira Masuuliyin
iyo Taliyayaasha laamaha amaanka Dowladda.

COMMENTS