September 15, 2014 | Posted by admin

Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Gobalada Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa cadeeyay in Degmada Cadaado ee xarunta Gobolkaasi ay diyaar u tahay martigelinta shirka maamul usameynta Gobolada dhexe ee dalka.

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in Cadaado looga diyaar garoobay qaabilaada iyo soo dhaweynta xubnaha ka qeybgalaya shirka maamul usameynta Gobolada Dhexe.

Hanaanka sugidda amniga Degmada Cadaado, ayuu ku sheegay inay tahay mid heerkeeda uu sareeyo oo shacabka iyo maamulka ay iska kaashadeen, taasina ay tahay arin aad loogu farxo.

Shalay waxaa Degmada Cadaado gaaray, xubno kamid ah Guddiga farsamada ee maamul usameynta Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

COMMENTS