May 17, 2015 | Posted by admin

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ku dhawaaqay iney isaga baxeen qorshaha dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Careys Maxamed Xaaji afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney isaga baxeen dhismaha maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha ay uga baxeen shirkaasi ay ugu weyn tahay faragelinta wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ay ku heyso dhismaha maamulkaasi.

Afhayeen Careys ayaa eedeyn u jeediyay xubnaha wasaarada arimaha gudaha ee ku sugan magaalada Cadaado, isagoo sheegay iney la wareegeen dhismaha maamulka Mudug iyo Galgaduud. – See more at: //risaala.net/articles/26251/WAREYSI-Ximan-iyo-Xeeb-oo-ku-dhawaaqday-iney-isaga-baxeen-Shirka-Cadaado#sthash.1fewMxIV.dpuf

COMMENTS