October 8, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in labo xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada Hirshabelle oo saarnaa gaari nooca raaxada ah uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada milatariga bartamaha magaalada Jowhar.

Mid kamid ah labada xildhibaan oo magaciisa lagu sheegay Faarax Maxamed Cismaan”Gacaney” ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray halka xildhibaanka kale Maxamed Yuusuf Colow  aysan waxba ka soo gaarin rasaasta lagu furay gaariga.

Askariga rasaasta ku furay gaariga ay saarnaayeen xildhibaanada ayaa haatan ku xiran saldhiga booliska magaalada Jowhar.

Xildhibaan Maxamed Yusuf Colow oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay inuusan fahmi karin sababta uu askariga la doonayay in uu sugo amnigooda uu rasaasta ugu furay.Waa markii ugu horeysay ee xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle lagu dhaawaco magaalada Jowhar.

COMMENTS