February 11, 2013 | Posted by admin

Ismaamulka Somaliland ayaa loogu baaqay inay sii deyso Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo muddo todobaad ah u xiran, kadib markii ciidamada ammaanka ay ka qabteen deegaanka Gabiley ee uu ka soo jeedo Xildhibaanka.

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Jaamac Axmed Maxamuud ayaa todobaadkii la soo dhaafay lagu qabtay deegaanka Gabiley, xilli uu booqanayay qoyskiisa, waxaana saraakiisha booliska ay sheegeen inay muddo ku raad-joogeen xildhibaankan oo si qarsoodi ah ku soo galay Somaliland.

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ah Gudoomiye kuxigeenka Gudiga amniga ee Baarlamaanka ayaa ka cosaday Somaliland inay sii daayaan Xildhibaanka u xiran oo uu sheegay inay ula macaamileen qaab mas’uuliyadeed.

Dahir Amiin Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay ka filayeen inay qafiifiso habkii ay ula macaamili jireen siyaasiyiinta ka soo jeeda ee ka tirsan dowladda, kuwaasoo horay looga mamnuucay inay tagaan deegaanada Somaliland.

Waxaa uu sheegay inay socdaan wada hadalo lagu sii deynayo Xildhibaanka, isagoo xusay inay rajeynayaan inay aqbalaan Somaliland baaqa ay u jeediyeen ee ah inay sii daayaan Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka yaala xeer dambiile qaran, waxaana ay ka mamnuucan yihiin inay tagaan deegaanada Somaliland, hadii ay soo galaana xabsiga la dhigayo.

Inkastoo wada hadaladii bishii July ee dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland uu qodobo ka mid ah dhigayay in la qaado xayiraada Somaliland saartay siyaasiyiinta u dhashay ee ah inay tagi karaan deegaanadooda iyo isdhexgal Bulshada Soomaaliyeed.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii sheegtay inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale, isla markaana ay tahay dowlad madax banaan oo dooneysa inay aqoonsi ka hesho Caalamka balse, taasi wali aysan dhicin.

COMMENTS