November 10, 2014 | Posted by admin

Waxaa maanta magaalo madaxda dalka ee Caasimada Muqdisho ku shiray Xildhibaanadii Baarlamaanka ee mooshinka ka geeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli sheekh Axmed.
xil_qaylo_6

Shirka oo ay kuwada kulmeen Xildhibaano gaaraya ilaa 140 ayaa waxa uu ka dhacay Hotelka Naasahablood Two, iyadoona ay Xildhibaanadaasi daaha ka rogeen in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli la horgeyn doono Golaha Baarlamaanka, waa haddii aysan ka heshiin Khilaafka ka dhex taagan.

Xildhibaanada ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay Khilaafka iyo asbaabaha keenay waxa uuna sheegay in xiligaani loo baahan yahay inuu dhaco si bedel, waxa uuna ku tilmaamay Xukuumada inay fashilantay, dhamaan waxyaabihii loo igmaday ay fulin weyday, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanada goobta ka hadlay ayaa waxaa sidoo kale, kamid ahaa C/rashiid Maxamed Xidig waxa uuna beeniyay wararka sheegaya in mooshinka uu aqbali waayay Gudoonka Baarlamaanka, wuxuuna meesha ka saaray in Mooshinka uu yahay mid aan loo wada dhameyn.

”Mooshinka waa mid loo dhanyahay waxaana saxiixay ilaa 140-mudane, waxaana saxiixay Gudoomiye ku-xigeenka koowaad” Ayuu yiri Xidig

Sidoo kale, Xildhibaan Xidig oo dhowr siyaabo uga hadlay Mooshinka ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada ay ku fashilantay waxyaabihii ay balan qaaday sida Federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, inta uu socday kulanka ayaa waxaa la falanqeeyay qodobada ay ku soo eedeeyeen Xukuumada, iyadoo mid mid loo aqriyay qodobada waxa ayna isla meel dhigeen in qodobadaasi uu yahay kuwa jira balse ay ka danbeyso Xisaabtan, waxa ayna sheegeen inay kalsooni ku qabaan in codka kalsoonida kala laabtaan Xukuumada hadii mooshinka la horkeeno Baarlamaanka.

COMMENTS
  1. I would hope that I am healthy in both mind, body, and spirit. I’d love to travel the planet with my family. That would be lovely.

  2. I stumbled upon this via Bing. This web-site appears great.

  3. jeyte said:

    ASC / Dhamaan Umadda Soomaaliyeed Meelkasto oo aad Aduunka ka Joogtaanba , Hadii aan wax ka dhaho Xildhibaanada ma xildhibaan Qaranba ama waa mid Beeleed ? majiro xildhibaan qaran ama mid Beeleetba ee waa Rag iyo Dumar lacag ku iibsaday kursigii shacabka soomaaliyeed , waxan isweeydiiyaa markasta hadaynu Soomaali nahay maxaa noogala la yahay Rag iyo Dumar xisaabtama
    oo is weeydiiyaan war waxaan ku wada dhalanay sida loo wadda badanyahay sagaal bilood kuwa aad modeeysaan ineey idin jecelyahiin ama aad isleedihiin wax beey idiin qaban waxna nooma qabanayaan ineey lug naga gooyaan maahee waxna nooma saaidinayaan , maskaxda ay leeyihiin ayaan leenahay maxaa naga hortaagan in danta dhulkeena iyo umaddena si cadaalad ah ugu shaqeeyno , Ruwaayadaan maka dharagtiin miyaa oo madaxda dalka leesku diraayo markaan is dhahno waxbaa no hagaagi maxaa isku dira labada darajo oo ugu sareeysa dalka hadii ay hada dagaalayaan mrakii hore maxeey u dagaalami waa yeen maxaa isku dira markii dhoorsano la wadda shaqeeyo Soomaliyeey waad fahmi kartaan wax kasto oo dhacaya , Aniga uma arko in lagu mashquulo Xildhibaan , baarlabaan , Madaxweeyne , Raiisalwasaaraha . Shacabow ku mashquul sideen ubadkeena u badbaadsana iyo Dumarkeena ku dhamaanaya Dowladaha dariska nala ah ama saxaraha ama Baddaha , aan suaal idin weeydiiyee yaa maqlay ama arkay dawladda aad sheegeysaan iyadoo isku taxalujineeyso ama baarlabaan ka hadlayo umadda dhamaaneeysa jawaabtu waa maya ninkasta wuxuu ku mashquulay dhul badsi iyo anaga aan xukunka la wareegno waxaan hadalkeeyga ku soo koobayaa Aloow Fahamka noo soo celi aamiin .

  4. gedi said:

    Asc.xildhibanku ma mid kharan mise mid beeled aloow sahal amuurta oo shacabka u keen wax badbadiya aanin