August 21, 2014 | Posted by admin

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya ee ka soo jeedo deegaanada Puntland, ayaa waxay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay isugu soo dhaweeyaan Dowladda iyo Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa dhammaadkii bishii hore ee July ku dhawaaqay in Puntland ay xiriirka u jartay Dowladda Federalka ee Somaliya, markii uu Madaxda Dowladda ku eedeeyay in Gobolka Mudug ay ku biirinayaan Maamulka Gobolada Dhexe loo dhisaayo.

Hadaba Xildhibaanadaan oo 2-dii toddobaad ee ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Garoowe, ayaa waxay sheegeen in ay ka shaqeynayaan, sidii ay dib markale isugu soo dhawaan lahaayeen Dowladda iyo Maamulka Puntland.

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed, ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Garoowe ay ka wadaan dadaalo, ay ku doonayaan in meesha looga saaro khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, isla-markaana la soo celiyo wada shaqayntii ka dhaxeysay.

Xildhibaan Seed, ayaa sheegaaya in shaqada Xildhibaanimada ay qayb ka tahay, in wixii carqalado ah ee ka jira deegaanada ay ka soo jeedaan, inay ka shaqeeyaan sidii looga gudbi lahaa, isla-markaana ay taasi ka dambeysay dadaalada ay isugu soo dhaweynayaan Dowladda Federalka ee Somaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland.

COMMENTS
  1. Eerible Faranfar said:

    Reer Puntland, iyaga uun baa ku waashay ‘FEDERAALEEY, FEDERAALEY,’
    .
    Hadda oo gobollada dhexe loo dhisayo Maamul Federaali ah, maxay u dhibsanayaan?!
    Maskax yare, mallay xadhig ku dabe, murama naagoodle,
    Macaan iyo qadhaadh aan is-geyn, meel sugu geeye,
    Maseyii hooyadii lagu furiyo, gabay Majeerteenle,
    Mabda’ iyo ujeeddaduu lahaa, muujin kari waaye,
    Micnahaad ujeeddana dadkii, maandhow garan waye,
    Masalooyinkii shalay ahaa, maanta garan waaye,
    Masalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeershay,
    DAD BAY MEELI BUKTRAA, BUKTAA, DAD BAY MEELI BUKTAA!
    SOOMAALI OO IDILBA, WAY idin BARATAY.
    Meesha ciidan Amxaaro miyaa Muqdisho lagu soo hoggaaminayaa, sidii Khaainul waddankii
    Cabdullahi Yuusuf ahaa.
    Mise, Balamballe ayaa Amxaaro loo gacan gelinayaa?
    Mise, Kismaayo ayaa Kenya laga iibinayaa?
    Dal cadawga laga iibiyo moogiye, maxaa meherad kale u diiday, Alle Magane?!
    Diinta Islaamka waxaa ka baxday, cayna ugu dartay dhilo ah Ayaan Xirsi.
    Cabdullaahi Yuusuf Amxaaro ayuu keenay Balambale.
    Mar kale, Amxaaro ayuu ku soo hogaamiyay caasimaddii dalka ee Muqdisha.
    Ayaan Xirsi waxay hunguri ka doontay inay ka baxdo diinta Islaamka oo ay weliba aflagaaddeyso diinta. Waa Cismaan Maxamuud.
    Cabdullaahi Yuusuf waa Cumar Maxamuud.
    Taariikhdu waxay qoreysaa in boqorkii Majeeteen ee Cimaan Maxamuud uu dalka
    ka iibiyay gumeysigii Talyaaniga, isagoo haddana khiyaanay Maxamad Cabduule Xasan
    oo dagaal diini ah iyo weliba xorriyad-doon ah kula jiray Ingiriiska iyo Amxaarada
    iyo Talyaaniga.
    Boqorka , Ayaan Xirsi iyo Cabdullaahi Yuusuf, maxay ka siman yihiin?
    WAXAY KA SIMMAN YIHIIN INAY DHAMMAANTOOD YIHIIN MAXAMUUD SALEEBAAN.
    Kuwiinna dadkaas la ehel ah, ka soo jawaaba sababta aad shaqo uga dhigateen
    dalka oo Amxaaro iyo Kenya iyo Talyaani laga gado?
    Sababta aad u gadataan diinta Islaamka.
    Dawladdan Federaalka ah waxaad uga horjeedaan waa laba:
    A. JAGADII RAIISULWASAARAHA OO AY IDINKA QADISAY LABA JEER.
    B. Kuwa aad qabbaanka u tihii oo ah Xabashi iyo Kenyaatiga oo idin amraya inaad
    Dawladda Federaalka ku furtaan tashwiish, si aanay u cago dhigan.
    WADDAN LA IIBIYO IYO RUFIYAANNIMO SHISHEEYE MOOYEE, MAXAA MEHERAD KALE
    IDIIN DIIDAY, ILAAH BAA ARSAAQDA BIXIYEE???