June 13, 2017 | Posted by admin

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre, kaddib markii ay ku eedeeyay inuu hor-istaag ku sameeyay dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Maamulkaas.

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ku yeesheen maanta magaalada Jowhar ayaa waxaa Guddoomiyaha mooshin ka geeyay illaa 47 xildhibaan oo 39 ka mid ah ay qalinka ku duugeen.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa qabtay mooshinka ay Xildhibaanada ku dalbanayeen in shaqo joojin lagu sameeyo Guddoomiyaha,

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha inuu gaashaan iyo difaac u yahay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo ay doonayeen inay mooshin ka keenaan.

Shaqo joojinta lagu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sababtay buuq iyo sawaxan, taas oo qarka u saarantay in gacan ka hadal uu dhaco

Todobaadyada soo socda ayaa la filayaa in codka kasloonida loo qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre, waxaana xaaladan ay abuureysa khilaaf cusub oo soo kala dhex gala Baarlamaanka Hirshabeelle.

Dhinaca kale Kulan ay Golaha Wasiirada Hirshabeelle ku yeelan lahaayeen degmada Balcad ayaa dib u dhac ku yimid, waxaana kulankan uu ahaa mid uu isugu yeeray Madaxweynaha Hirshabeelle.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS