October 23, 2016 | Posted by admin

Xildhibaan Xasan Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Gobaleedka Galmudug ayaa sheegay in Lala xisaabtami doono Masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

Xildhibaana ayaa sheegay in sababta loola xisaabtamayo ay tahay in wax mushaar ah aysan qaadan wasiirada Shaqadoodina ay qabanayaan Masuuliyiinta sidaasina aana loo baahneen.

Waxa uuna sheegay Xildhibaan Xasan Cali  in Sababta ay isku Casilayaan Wasiiradda Dowladda Gobaleedka Galmudug ay tahay in Shaqadoodii uu hayo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaan Xasan Cali ayaa Tilmaamay in Baarlamaanka Dowladda Galmudug ay la Xisaabtami doonaan Madaxweynaha islamarkaana wax laga weydiindoono in Wasiiradaha Gamudug aysan wax Xafiis ah yeelan ama aan loo sameyn mudo ku siman Hal Sano iyo Dhowr Bilood.

Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid ka dib markii shalay laba wasiir oo ka tirsan Dowlada Galmudug ay shaaciyeen in ay is casileen.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS