January 10, 2017 | Posted by admin

Galmudug

Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay soo gaareen Warar sheegaya in Dhibaato loo geysanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee ku sugan Magaalada Cadaado oo KMG u ah Galmudug.

Guddoomiye Kuxigeenka  Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka Codsadeen in ay ilaaliyaan Amniga Xildhibaanada gaar ahaan Goobaha ay ku shiraan.

Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa Dhawaan Mooshin  ka keenay Madaxweynaha Galmudug,waxaana ay sheegeen in Madaxweyne Guuleed uu ku fashilmay Hogaaminta Galmudug xilkana ay ka qaadayaan.

Baarlamaanka ayaa ka cabsi qaba in loo dhibaateeyo Mooshinka Xilka qaadisa ah ee ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Mudooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jirta in Qilaaf xoogan uu soo kala dhax-galay Madaxda Galmudug waxaana Mooshinkaan Ka hor xildhibaana ku shiray Cadaado ay sheegeen in Madaxda Galmudug ay jebiyeen Dastuurka Maamulkaas ka dib markii laga waayay Deegaanada Galmudug.

Lama oga sida uu noqo doono Codsiga ay soo jeediyeen oo ku aadan In la sugo Amniga Xildhibaanada Galmudug.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS