April 16, 2014 | Posted by admin

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay bilaabeen in ay u diyaar garoobaan, sidii Baarlamaanka lagu horgayn lahaa mooshin ka dhan ah qaadka laga keeno dalka Kenya.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxay soo jeediyeen in si ku meel gaar ah loo hakiyo qaadka loo iib keeno Soomaaliya, iyadoo markaasi Dowladda Kenya lagu cadaadinaayo, sidii ay u joojin laheyd tacadiyada joogtada ah ay ku heyso Soomaalida Islii.

Arrintaan, ayaa waxaa gacan ka geysanaaya dadka Soomaaliyeed ee dalalka dibadaha ka soo laabtay, kuwaa oo Xildhibaanada Baarlamaanka qayb kala ah, olalaha ay ku doonayaan in hakad lagu geliyo qaadka Kenya.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa wuxuu xaqiijiyay in maalmaha soo socda Guddoonka sare ee Baarlamaanka loo gudbin doono, mooshinka laga diyaarinaayo qaadka laga soo daabulo Kenya.

Qaadka loo iib keeno Soomaaliya, ayaa waxa uu muhiim u yahay Dowladda Kenya, iyadoo la tilmaamo in lacago xoogan ay ka sameyso, isla-markaana uu qayb ka yahay goobaha ugu badan, ee ay dhaqaaluhu ka helaan dadka reer Kenya

COMMENTS