April 8, 2012 | Posted by admin

INAA LILLAAH WA INAA ILLEYHI RAAJUCUUN

DUHUR-Allaha u naxariistee waxaa saakay arroortii Isbitaal ku  yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday xildhibaan Mowliid Macaani, halkaasi oo lagu dabiibayay dhawaac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay xarunta Murtida iyo Madadaallada National Theater.

Allaha u naxariistee geerida xildhibaan Mowliid Macaani ayaa waxaa inoo xaqiijisay wasiirka Haweenka Marysan Aweys Jaamac oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna sheegtay in xildhibaanka uu saakay arroortii geeriyooday, sida uu u xaqiijiyay Dhaqtarkiisa.

Xildhiban Mowliid ayaa waxa uu horrey ugu dhaawacmay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta Theater-ka ee magaalada Muqdisho, iyadoo xaalad caafimaad loogu qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


COMMENTS