January 25, 2015 | Posted by admin

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa saakay ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho, kadib xanuun mudooyinkan hayay.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Xaabsade ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn looga yaqaanay Soomaaliya, gaar ahaan Gobolada Koofur Galbeed.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Cumar ayaa xaqiijiyay geerida Xildhibaan Xaabsade, wuxuuna sheegay in saakay abaarihii 5-tii subaxnimo xilligii salaada subax uu ku geeriyooday Isbitaal Turkiga leeyihiin.

“Allaha u naxariisto Xildhibaan Xaabsade, xalay maqribkii ayaa lagu soo booday, mudooyinkan ayuu xanuunsanayay, waxaa dhowaan loo qaaday Turkiga, waa ka soo laabtay”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Isaaq.

Xildhibaan Xaabsade ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ka tirsanaa Jabhadii RRA, inkastoo markii jabhadaas garabyo u kala jabeen uu hogaaminayay garabkii la wareegay magaalada Baydhabo.

COMMENTS