March 24, 2017 | Posted by admin

Mid kamid ah Xildhibaanada Baaralamaanka Galmudug ayaa saaka loogu tala galay in la qaarijiyo taasi uu ka badbaaday.

Xildhibaanka ayaa qarax loo dhigay xaafadiisa waxaa la rabay in la dilo marka uu hoygiisa kasoo baxo.

Guriga qarax la dhigay ayaa ku yaalla xaafad lagu magacaabo Waaberi oo ka tirsan magaalada Cadaado, waxaana xildhibaanka guriga daganaa lagu magacaabaa Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Maxamuud oo ku magac dheer Gurey Geesey.

Ciidanka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay qarxyada waxaana socda baaritaan Xoogan.

Warbaahinta ayaa la filayaa in loo soo bandhigo goor dhow sida saraakiisha sheegeen.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS