November 24, 2014 | Posted by admin

Xildhibaan Dahir Amiin jeesow ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka loo qeybiyay mooshinka ka dhanka ahaa Xukuumada, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan looga doodi doono.

“Mooshinka waa loo qeybiyay, waliba si sax ah baa loogu qeybiyay, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa looga doodi doonaa Gudoonka ayaa laga sugayaa”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Mr Jeesow ayaa beeniyay in mooshinka la qeybin waayay, isla markaana ay xildhibaanada kale ee ka soo horjeeda ay diideen, waxaana uu xusay in dhowaan laga doodi doono.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa sheegay in kulankii maanta uu fowdo ku soo dhamaaday, isla markaana mooshinka aan la qeybin, balse xildhibaanada xalay guryahooda iyo hotelada loogu soo qeybiyay.

“Xildhibaanada iyagoo jeebkooda ku wata oo xalay xaafadaha iyo hotelada loogu soo qeybiyay ayay la soo geleen, sharci ma ahan kulanka”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil.

Kulankii maanta ayaa waxaa ka dhashay buuq, kadib markii gudoomiyaha baarlamaanka uu soo galay howlka shirarka, waxaana uu weydiiyay in mooshinka loo qeybiyay, iyadoo xildhibaanadii taageersan ay u sheegeen in loo qeybiyay, isla markaana laga doodi doono sodonka bisha.

COMMENTS