December 6, 2016 | Posted by admin

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle waxaa maanta lagu dooray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow  oo ka mid ahaa xildhibaanadii waqtigooda dhamaaday.

Xildhibaan Jeesow ayaa ka soo jeeda Gobalka Hiiraan waxa uuna ka mid yahay xildhibnaada Saaxiibada la ah Madaxwayne Xasan shiikh.

Daahir Amiin Jeesow ayaa la tartamayay Masuul lagu Magaacbo Xamza Aadan waxa uuna helay Xamza 21 Cod Halka Daahir amiin jeesoowna uu helay codad dhan 30 cod.

Doorashada ka dib waxaa magaalada Jowhar ka bilaabatay Dabaal deg xoogaan iyo risaas lagu taageerayo xildhibaanka guulaystay ee daahir amiin jeesow.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS